Home Warar Deni:-“Waxaan u Baanhanahay Dowladda Inay Ixtiraamto Dastuurka”,!

Deni:-“Waxaan u Baanhanahay Dowladda Inay Ixtiraamto Dastuurka”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay as’aaskii Puntland oo lagu qabtay Gaalkacyo ayaa sharci-darro ku tilmaamay in ay magacaabis sameeyaan Golaha Wasiirada Xukuumaddii dhacday ee xilka sii haya.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay sharci-darro tahay Hannaanka loo maray magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya islamarkaana aysan Puntland aqoonsan doonin midkoodna.

“Waxaan u baanhanahay Dowladda Soomaaliya inay ixtiraamto dastuurka, maalmihii u dambeeyay waxaa socda xadgudubyo dastuurka oo dhowr ah, kuwa horaa u sheegay ma rabo inaa ku noqdo kuwa hada cusub waxaa ka mid ah, xukuumaddii dhacday ee sida sharci darada lagu riday waxay saxiixeen golaha adeegga garsoorka oo ah qodob aad muhiim ugu ah dowlad dhiska Soomaaliya, hey’ada 3aad aas aaska u ah sharciga oo uu ka dhalan doono maxkamadda dastuuriga ah, sida sharci darada loo maray iyagoo awood laheyn inay ansixiyaan”

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan sharciyad u haysan magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya sidaas darteedna ay sharci-darro tahay magacaabistooda.