Home Warar Dagaalamayaal Ka tirsan Al-Shabaab oo labo macallin oo Kenyaan ah ku dilay...

Dagaalamayaal Ka tirsan Al-Shabaab oo labo macallin oo Kenyaan ah ku dilay Mandhera

SHARE

Mandhera(gundhig)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Woqooyi bari Kenya gaar ahaan Magaaladda Lafey ee Ismaamulka Mandera ayaa sheegaya in weerar lagu dilay Labo macalin oo aan muslimiin ahayn.

Labadaan Macalin ee la dilay ayaa lagu weeraray guri ay ka deganaayeen Magaaladda Lafey,ayadoona dilkooda loo adeegsaday Qalab qarax dhaliyay oo lagu tuuray.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka Booliiska Kenya ayaa hadda wada howl gallo ay ku baadi goobayaan kooxihii Weerarka ka Dambeeyay.

Al-shabaab ayaa baraha ay Warka ku faafiyaan waxay ku sheegteen in ay Dagaalamayaashoodu qaadeen weerarka macalimiinta lagu dilay.