Home Warar Dad Qaraabe Soke ahaa oo Caawa Lagu Laayay Magaaladda Muqdisho!

Dad Qaraabe Soke ahaa oo Caawa Lagu Laayay Magaaladda Muqdisho!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Kooxo hubeysnaa ayaa caawa dad Qaraabe Soke ahaa waxa ay ku laayeen Xaafada Kaabo Godey qeybta degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, dabley la socotay gaari kuwa Raaxadda ah isamarkaana ku hubeysnaa AK47 ayaa rasaas ku furay dadka qaraabadda Soke ahaa xili ay fadhiyeen afafka hore ee gurigooda.

Falkaan waxaa ku dhintay 5-ruux,waxaa sidoo kale ku dhaawacamay 4 kale oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Magacayada dadka ku dhintay weerarka ayaa lagu kala sheegay Maxamed Cabdi maxamed, Maxamed saciid muuse,Cabdi Xasan ibraahim, Cismaan Xasan iidow, Maxamed Cumar Axmed oo isbitaalka ku dhintay.

Lama oga illaa hadda sababta ka dambeysa weerarkan iyo cida ka dambeysay, waxaana socda baaritaano ay wadaan laamaha amaanka dowlada.

Dhanka kale Maamulka Degmadda Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan falkaan caawa ka dhacay Degmadda.