Home Warar Dabageed:-“Waare G-Hiiraan Dhibaato Mooyee, Waxba Kuma Soo Kordhin“,!

Dabageed:-“Waare G-Hiiraan Dhibaato Mooyee, Waxba Kuma Soo Kordhin“,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddoomiyaha Gobollka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo maanta Warbaahinta Kula Hadlay magaaladda Beledweyne ayaa eedeen  u jeediyay madaxweynaha dowladd gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Waare ay isku qabteen dhaqaalaha Gobolka hiiran kasoo xarooda uu waare doonayo in accounkiisa loogu shubo.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Waare in uusan bixin mushaarka Ciidamadda, Maamulka Gobolka, in lagu hor weeraray Ciidamada Magaalada iyo in uu kahor istaagay dhaqaalaha ay ku helaan canshuurta ay qaadaan.

Gudoomiye Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in eedeenta uu u jeedinayo madaxweyne Waare ay kawada siman yihiin Shacabka, Ganacsatada iyo Odoyaasha dhaqank

’Annaga iyo madaxweynaha waxaa isku qabanay dhaqaalaha ka soo xarooda gobolka Hiiraan waa in Jowhar loo gudbiyo oo Account isaga u gaar ah lagu shubo, islamarkaana uu qorto shaqaale maaliyadadeed oo isaga u shaqeeya oo aan gobolka wax shaqo ah u qaban, waxaan u sheegay madaxweynaha sidaa in wax soconaya aheyn, loona baahan yahay in lacagta gobolka ka soo xaroota la og yahay halka ay marto iyo waxa bulshada laga qaaday loogu qabayo,hadalka aan maanta warbaahinta la wadaagayo ma’aha go’aan Yuusuf Dabageed ee waa go’aan qaateen bulshada gobolka, oo odayaal leh, aqoonyahan leh, Ugaasyo leh oo aan Aniga wakiil uga ahay, waan diiday qorshaha uu doonayo in uu madaxweyne Waare wax ku maamulo’’ ayuu Yiri Yuusuf Dabageed.