Home Warar Daahir Geelle:-“Farmaajo Waxan Ku Aqaan Xabbad La Rido Xinjiro La Qubo”,!

Daahir Geelle:-“Farmaajo Waxan Ku Aqaan Xabbad La Rido Xinjiro La Qubo”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Murashax Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah Midowga Murashixiinta, ayaa soo bandhigay saddex tilmaamood oo xun, kuwaas oo sheegay in Madaxweynaha muddo xilkeedka uu dhamaaday ee Maxamed C/laahi Maxamed  Farmaajo leeyahay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in loo baahanyahay wada-hadal nabad iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah, sidaas darteedna Madaxweyne Farmaajo laga doonayo in uu joojiyo diidmada Wada-hadalka.

“Xabbad la rido xinjiro la qubo iyo xukun leysku dhajiyo wax aan ahayn kuma ogi, kumana aqaan walaalkeey Farmaajo, saddexdaana waa waxa kalsoonidii dilay.” Ayuu yiri Murashax Geelle.

“Maanta waxaa nala siman wada hadal nabad ah iyo heshiis ku dhammaada doorasho xor iyo xalaal ah ee walaalow diidmada miiska wadahadalka, iyo carqaladaynta geedi socodka nabadda jooji. Annaga waxaan rabnaa inaan qayb ka noqonno dadaal hufan iyo tartan doorasho oo laysku halayn karo leh jiheeye akhlaaqeed (moral compass).”