Home Warar Daahir Geelle:-“Dowladda Taageerayaasheeda ayay Garsoorayaal Nooga Dhigtay”!

Daahir Geelle:-“Dowladda Taageerayaasheeda ayay Garsoorayaal Nooga Dhigtay”!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ay diidaneen Guddiyadda ay soo Magacowday Dowladda,balse ay diidan yihiin xubnaha ku jira.

Isagoo la hadlayay Laanta afka Soomaalida ee BBC-da ayuu sheegay in Magacaabista ay diidaneen,balse ay diidan yihiin xubnaha ku jira.

Musharax Daahir Geelle ayaa u soo jeediyay dowladda Federaalka inay bedesho guddiyada xubnaha ku jira oo ay keentaa dad dhex dhexaad ah.

“Guddiga shuruudiisa waxay aheyd dadka tartamaya inay dhex dhexaad u noqon karaan dhamaan dadka tartamaya, oo ah inay noqdaan qoorta labada garab u dhaxeysa, balse waxay soo xushay dadkii ku asteysnaa inay taageerayaal u yihiin”ayuu yiri Dahir Geelle.

“Anaga waxa aan fiirineyno gacanta lagu magacaabay ma ahan, waxaa fiirinayaa qofka la magacaabay qof shalay madaxweynaha u caytamayay, u colaadinayay oo dadka kale uga soo horjeeday”ayuu yiri Daahir Geelle.