Home Warar Cumar Filish:-“Xilalka Dowladda Waxaa Loo Salaxay Ciyaalka Xaafada”,!

Cumar Filish:-“Xilalka Dowladda Waxaa Loo Salaxay Ciyaalka Xaafada”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyaha Maamulka Gobolka banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa sheegay in Xilalka Dowladda maalmahaan dambe loo salaxay Ciyaalka Xaafadda.

Cumar Filish oo hadal ka jeedinayay xafladd lagu soo dhoweynayay Taliye kuxigeenka cusub ee Booliska Soomaaliyeed Cusmaan C/llaahi Kaniif ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay xilalka u salaxeen ciyaalka xaafada, wuxuuna ugu baaqay inay doorkooda kasoo baxaan oo ay ka duwanaadaan kuwii ka horeeyay.

“Xilalka dowladda waxaa loo salaxay ciyaalka xaafada, marka waxaa rajeynayaa doorkooda inuu noqon doono door ka duwan dadkii ka horeeyay door wax ku ool ah is jaceylkooda iskaashigooda iyo waxqabadkooda inuu muuqdo ayaa rajeynayaa, in muddo ah magacaabista waxaa ku imaanayay qofkii aniga la ii weydiin lahaa aan tilmaami lahaa”ayuu yiri Cumar Filish.