Home Warar Cumar Filish oo Magacaabay Guddi Ka shaqeeya Furista Wadooyinka Xiran

Cumar Filish oo Magacaabay Guddi Ka shaqeeya Furista Wadooyinka Xiran

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay guddiga dib-ufurista wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho taas oo ay baahi weyn u qabaan shacabka caasimadda ku nool.

Guddigaan la magacaabay waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Mohamed Tuulah.

Gudoomiye Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa 29 bisha August 2019 balan qaaday in uu dib u furi doono wadooyinka Muqdisho kuyaala ee xiran.