Home English News Somali News Cumar Faaruuq Cismaan oo Magaca NUSOJ dadka ku Tahriibiya (Warbixin)

Cumar Faaruuq Cismaan oo Magaca NUSOJ dadka ku Tahriibiya (Warbixin)

SHARE

Muqdisho (Gundhig) Cumar Faaruuq Cismaan oo sheegta xilka Mudada dheer lagu muransan yahay  ee Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa la xaqiijiyey in Magaca NUSOJ uu dad ku tahriibiyo isagoo qofkiiba  ka qaata lacag dhawr kun Dollar ah.

Ilaha xogta laga helay ayaa tilmaamay habka uu Cumar Faaruuq dadka ku tahriibiyo inay tahay inuu u sameeyo dal ku galka Turkiga isagoo qofkaa ku tilmaama inuu yahay Saxafi dano ka leh Dalka Turkiga sidaasina uu qofkaasi dalka uga dhoofo isagoo sii maraya Giriiga kadibna halkaa ka sii wadanaaya Safarkiisa, Xog kale ayaa Tilmaamaysa in Cumar Faaruuq uu inta badan u isticmaalo Tahriibinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Tababaro Saxaafdeed oo laga helo dalal Yurub ah inkastoo aysan badnayn talaabadan dambe ayaa la sheegay inay aad uga lacag badan tahay marka uu kuu samaynaayo Fiise Turki ah.

Baaritaan lagu sameeyey Xogtan ayaa lagu xaqiijiyey in ay jiraan  dhalinyaro uu Cumar Faaruuq lacag ka soo qaatay oo uu ka soo diray Soomaaliya ay weli ku sugan yihiin Dalka Turkiga kadib markii safarka Giriiga ay ugu gudbi lahaayeen uu hakad ka galay iyadoo la gaaray Xilliga qaboobaha, taasoo ay adag tahay in la isaga kala gudbo Dalalka Turkiga iyo Giriiga, halka qaar kalana ay ku xayiran yihiin dalka Giriiga kadib markii ay u gudbi waayeen dalalka kale ee Yurub.

Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo Cumar Faaruuq Cismaan ayaa midba goonidiisa u sheegta inuu yahay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiiyinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxayna arintan niyad jab ku riday Saxafiyiin badan iyagoo samaystay Ururo kale kadib markii loo caal waayey in xal laga gaaro Ururka NUSOJ.

Cumar Faaruuq Cismaan ayaa la sheegaa in Ururkan uu ka dhigtay in uu isaga iska leeyahay kadib tan iyo xilligii la sameeyey Ururkaasi uu diiday in lala tartamo oo uu iska sheegto Magaca NUSOJ.