Home Warar Cuba oo Dadaal Ugu Jirta Sii Deynta Dhaqaatiir Al-Shabaab Haystaan

Cuba oo Dadaal Ugu Jirta Sii Deynta Dhaqaatiir Al-Shabaab Haystaan

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Cuba ayaa wada dadaalo ku aadan sidii lagu sii deyn lahaa dhaqaatiir u dhashay dalkaasi oo Maleeshiyaadka Al-Shabaab u afduubaan.

Landy Rodriguez iyo assel-ka ah Assel Herrera oo ah labo dhaqtar oo u dhashay Cuba ayaa lagu heystaa Soomaaliya, waxaana laga soo afduubtay Gobolka Woqooyi bari Kenya.

Wasiirka Caafimaadka CubaJose Angel Portal, ayaa xaqiijiyay inay caafimaad qabaan labada dhaqtar oo u dhashay dalkaasi oo gacanta Shabaab ku jira,islamarkaana ay wadaan dadaalo lagu sii deynayo.

Dadaalada hadda socda ayaa wuxuu ku sheegay wasiirka inay qayb ka tahay dowladda Kenya oo juhdi badan ku bixinaysa sidii loo sii dayn lahaay dhaqaatiirtaasi.