Home Warar Ciidamo uu Wato Axmed Madoobe oo Ku Wajahan Dhuusa-mareeb+Sawirro

Ciidamo uu Wato Axmed Madoobe oo Ku Wajahan Dhuusa-mareeb+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Goboleedka Jubbaland ee sugaya amniga madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa goor dhawayd u duulay magaalada Dhuusamareeb oo lagu wado in uu maanta ka furmo shirka dowlad goboleedyada dalka.

Sawirro lasoo bandhigay ayaa muujinaya in ciidamadan ay si aad ah u hubeysan yihiin,islamarkaana ay diyaar  u yihiin amaanka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Ciidamadaan ayaa mar hore tagi doona magaaladda Dhuusa-mareeb,waxaana kadib magaaladda tagi doona Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa dalbaday in si degdeg ah Ciidanka Haramcad looga saaro Galmudug waa haddii la rabo in ay ka qeyb galaan shirka dhuusamareeb.

Labada Madaxweyne ayaa sheegay in Ciidanka Haramcad ay yihiin kuwo ka amar qaata Xukuumadda Soomaaliya oo aysan hoos imaan Galmudug, sidaas darteedna aysan isku aaminin meel Haramcad joogto in shir ay uga qeyb galaan.