Home Warar Ciidamo uu Hogaaminayay Farxaan Qarxoole oo Lagu Qarxiyay Siinka Dheer

Ciidamo uu Hogaaminayay Farxaan Qarxoole oo Lagu Qarxiyay Siinka Dheer

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino oo Caawa Deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka magaaladda muqdisho Lagula eegtay Ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska Dowladda Soomaaliya gaar ahaan  kuwa Haramcad loo yaqaano.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa la kacday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamadda Booliska waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Ciidamadda la qarxiyay oo ku wajahnaa Dhanka  Gobolka shabeelaha Hoose waxaa hogaaminayay Farxaan Maxamuud Qaroole.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhowr askari ay dhaawacyo kasoo gaareen Qaraxa ka dhacay Deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka magaaladda muqdisho.

Maleeshiyaadka Al-shaabab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda Qaraxyadda Lagula eegto Ciidamadda Dowladda Duleedka Magaaladda Muqdisho.