Home Warar Ciidamo La Wareegaya Amaanka Dekadda Magaaladda Muqdisho

Ciidamo La Wareegaya Amaanka Dekadda Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wareejinayaa amaanka Dekadda Muqdisho, sida uu sheegay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko).

Taliyaha oo xalay hadal ka jeediyay furitaanka Dekadda oo habeenkii shaqeyn doonta muddo 30-sano kadib ayaa sheegay in la kordhin doono ciidamada dekadda ka horgala, lana adkeyn doono amaankeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Dekedda Muqdisho ay shaqeyso xilli habeen ah ka dib markii dhawaan uu Madaxweyne Farmaajo amray in si deg deg ah dekedda Habeenkii looga shaqeysiiyo.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyeen Wasiiro iyo Saraakiil ayaa xalay Daah-furay In Dekedda Muqdisho ay habeenkii shaqayso, taasi oo la micno ah in habeen iyo Maalin ay dekadu shaqaynayso,si loo kordhiyo howlaha adeegyada ganacsiga kaladuwan.