Home Warar Ciidamo AMISOM ah oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Ciidamo AMISOM ah oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Amisom kuwaas oo la wareegaya ammaanka Magaalada.

Ciidamadaan ayaa amaanka xaqiijinaya  inta uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo joogo Magaaladaas.

Ciidamada Amisom ee gaaray Dhuusamareeb waxaa ay ka baxeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana ay isugu jiraan Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ku jira howlgalka Amisom Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyada oo dadka iyo gaadiidkaba la baarayo,waxaana Magaalada ay isu diyaarineysaa soo dhaweynta Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.