Home Warar Ciidamadda oo Toogtay 6-Shabaab ah Maxkamadda La’aan+Shabaab oo Hadlay

Ciidamadda oo Toogtay 6-Shabaab ah Maxkamadda La’aan+Shabaab oo Hadlay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay toogteen 6-ruux oo ka Tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab maxkamadd La’aan.

Taliyaha Ururka 49-aad ee  Ciidanka Malatariga Soomaaliyeed  Faarax Maxamed Turbac oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay fulinayaan go’aankii  dhawaan ka soo  baxay Taliska Xoogga dalka Soomalieed iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay arakti ku toogtaan Xubnaha Shabaab ka tirsan.

Waxa uu sheegay in cadeymo loo hayo In ragga la toogtay ay ka Tirsanaayeen Al-shabaab,kuwaasi oo howlgalo lagu soo qabtay.

“Raggani waxay ka koobnaayeen labo kooxood, koox waa kuwa qaraxyada geysta, kooxda kalena waa kuwa dadka dila, muddo dheer ayaa lagu daba jiray oo xogtooda la hayey, dad ka badan 14 qof ayey dilal iyo qaraxyo ku laayeen, weyna qirteen dembigaas” ayuu yiri Faarax Max’ed Turbac.

Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyadda La Toogtay

  1. Saleebaan Maxamed Sheekh
  2. Maxamuud Maxamed Buule
  3. Maxamed Cabdi Cali.
  4. Maxamed Yuusuf Isaaq
  5. Aadan Carabeey Xalane.
  6. Maadeey Xaaji Macalin.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa beeniyay warka kasoo baxay Maamulka Baardheere,waxayna sheegeen in ragga la toogtay ay ahaayeen Culumo iyo Ganacsatadda degmadda laga yaqaanay.