Home Warar Ciidamadda Dowladda iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Hiiraan

Ciidamadda Dowladda iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Hiiraan

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya iyo maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ka  dhacay deegaano u dhexeeya Baladweyne,Maxaas iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan Jeneraal Tawane Axmed Gurey oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magalaada Baladweyne ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka itoobiya ay ku guuleysteen inay Maleeshiyaadka Al-shabaab kala wareegaan deegaanadaas.

Howlgalkan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili dagaalyaano ka tirsan Al shabaab oo ka cararay qeybo ka mid ah gobollada koonfureed ee dalka ay saldhigyo ka dhigteen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.