Home Warar Ciidamadda AMISOM oo Lagu Qarxiyay Duleedka Magaaladda Muqdisho

Ciidamadda AMISOM oo Lagu Qarxiyay Duleedka Magaaladda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM barqanimadii maanta lagula eegtay Deegaanka Arbacow uu u dhow Ceelasha Biyaha Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa kadib Ciidamadda AMISOM ay fureen rasaas fara badan,taasi oo weli aan la ogen Khasaaraha ay geysatay.

Goobta Ciidamadda Qaraxa lagula eegtay waxay aheyd mid mashquul badan,waxaana qaraxa kadib hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looga khasaaraha uu geystay qaraxii lala eegtay Kolonyada ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo socdaal ku marayay deegaanka Arbacow.