Home Warar Ciidamadda Amaanka oo Toogtay Ragii Weeraray Hoteelka Saxafi+Sawirro

Ciidamadda Amaanka oo Toogtay Ragii Weeraray Hoteelka Saxafi+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Hay’adaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la toogtay ragii weerarka ku qaaday galabta Hoteelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka booliska Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka ay ku guuleysteen khaarinta lix kamid ahaa ragii weerarka soo qaaday.

Waxa uu sheegay in qaraxyadda markii ay dhaceyn kadib, ragga hubeysnaa ay damceen in ay gudaha u galaan Hoteelka,balse Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ay arintaas ka hortageyn.

Ragga hubeysnaa ee la toogtay ayaa xirnaa dharka Ciidamadda Dowladda SoomaaLiya, gaar ahaan kuwa 14-ka October, kuwaasi oo la aas aasay kadib qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.

Dhanka kale Inta la xaqiijiyay qaraxyadaan ayaa waxaa ku dhintay 32 ruux halka tiro ka 10 ruux uu dhaawac ka soo gaaray weerarkan galabta lagu qaaday hoteelka Saxafi ee Magaaladda Muqdisho.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyadda lagu weeraray Hoteelka Saxafi.

Qaraxyadan ka dhacay afafka hore ee hotelka saxafi ayaa waxay ku soo aadayaan sadex sano kadib markii weerar xoogan oo khasaare nafeed dhaliyay uu ka dhacay hotelkaan.