Home Warar Ciidamadda Amaanka oo Muqdisho Ku Toogtay Nin Hubeysnaa+Sawirro

Ciidamadda Amaanka oo Muqdisho Ku Toogtay Nin Hubeysnaa+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed ayaa galabta Magaaladda Muqdisho ku toogtay nin la sheegay in uu kamid ahaa ragga dhaca Shacabka.

Falkaan ayaa ka dhacay abaare 02:45-daqiiqo ee Maanta gudaha suuqa bakaaraha agagaarka Daarta Maalin Taajir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen laamaha amaanka, ilaa 3-ruux ayay ka koobnaayeen ragga dhaca geysanayay waxayna Ciidamadda dileen mid kamid ahaa, halka mid gacanta lagu dhigay mid kalana uu lugiisa ku baxsaday.

Dhanka kale meydka ninka la dilay ayaa la geeyay galabta xarunta dambi baarista ee CID-da ee Booliska Soomaaliyeed.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa xili Mudooyinkii dambe Shacabka Magaaladda muqdisho ay la kulmayeen dhac iyo dil aan horey u jirin.