Home Warar Ciidamada Dowladda oo La Wareegay Deegaanka Owdheegle

Ciidamada Dowladda oo La Wareegay Deegaanka Owdheegle

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa ku waramaya in ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab,ay la wareegeen Deegaanka Owdheegle ee Gobolkaas.

Ciidamadda ayaa isku fidiyay dhammaan qaybaha kala duwan ee degmada xaaladuna mana jiro iska hor imaad ka dhacay Deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odoyaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Dowladda  ayaa  sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Owdheegle.

Sidoo kale Taliye Gen. Odoyaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidamadu haatan ay wadaan baaritaano balaaran oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka.