Home Warar Ciidamada Dowladda oo Iska Difaacay Weerar Kaga Yimid Shabaab+Sawirro

Ciidamada Dowladda oo Iska Difaacay Weerar Kaga Yimid Shabaab+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska ayaa Khasaare u geystay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab,kadib markii ay isku dayeen in ay weerar ku soo qaadaan degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalkaasi ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay in ay ka dileen kooxda Shabaab ilaa 4 qof halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalka ay ka xureeyeen maleeshiyaadka Shabaab degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi ka socda baaritaano amaanka lagu sugayo.