Home Warar Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo Ka Badbaaday Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo Ka Badbaaday Qarax Ka Dhacay Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo saakay ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay isgoyska Banaadir Degmadda Hodan ee Magaalada Muqdisho,waxaana lala eegtay mid kamid ah gaadiidka ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu goobjooge sheegay.

“Waxa aan ku dhaween Isgoyska Banaadir, mar qura ayaan maqalnay Qarax, waxaa nasoo gashay Uuro iyo Ciid, waxa aan aragnay Askari dhulka jiifo oo aan kala saari Karin in uu dhintay iyo in uu dhaawac ahaa, Gaariga oo ahaa nuuca Toyota Hilux (Qooqan) waxyeelo ayaa gaartay” sidaas ayuu yiri goobjoogaha.

Dhanka kale Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Dowlada Dowladda Soomaaliya,waxaa qaraxa ka badbaaday Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, dhawaana loo magacaabay xil cusub.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 1-askari oo ka tirsanaa Booliska,3-kalana wey ku dhaawacmeen.