Home Warar Cali Saciid Fiqi oo Loo Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS

Cali Saciid Fiqi oo Loo Doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.

Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed waxaa u tartamayay labo Musharax oo kala ah Xildhibaan Cali Saciid Fiqi iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan.

Cali Saciid Fiqi ayaa helay 83 cod, halka Musharaxa la tartamayay uu helay 2 cod, iyadoo ay xumaadeen 8 cod.

Natiijada doorashada ayay dad badan filayeen maadaama Denjire Cali Saciid uu ahaa ninka xilkan loo waday, sababta Baarlamaanka loogu soo daray ay aheyd si uu u qabto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.