Home Warar Cali Gacal:-“Cadaado Ayaan ku Dooranaynaa Madaxweyne Cusub”,!

Cali Gacal:-“Cadaado Ayaan ku Dooranaynaa Madaxweyne Cusub”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug ee xilka laga qaaday Cali Gacali Casir ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Dhuusa-mareeb ee lagu doortay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Cali Gacal ayaa sheegay in doorashadda dhacday aysan iyaga khuseynin,islamarkaana dhankooda ay wadaan abaabul ku aadan In Cadaado lagu doorto  madaxweynaha Cusub ee Galmudug iyo gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in arintan loo saaray guddi doorasho kuwaa oo laga sugayo in ay ku dhawaaqaan xiligan doorashadda madaxweynaha Galmudug,kadib markii ay xilkii ka qaaday Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Hadalka Cali Gacal Casir ayaa kusoo aadaya xili shalay  Dhuusa-mareeb lagu doortay guddoomiye uu yeelanayo baarlamaanka Galmudug waxaana loo doortay Ismaaciil Cabdulle Axmed.