Home Warar C/raxman C/shakur”Farmaajo wuxuu jeclaan lahaa Madax Maamul Goboleed oo amarkiisa u hogaansan”

C/raxman C/shakur”Farmaajo wuxuu jeclaan lahaa Madax Maamul Goboleed oo amarkiisa u hogaansan”

SHARE

Maanta waa maalintii uu Madaxweynaha isugu yeeray kulankii Golaha Amniga Qaranka ee Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada. Waxaa horay u taalay gogol uu Madaxweynaha Puntland fidiyey xiligii caleema saarkiisa ee bishii janaayo oo ay ahayd in bartamaha bisha Maarso Garowe lagu kulmo, laakiin dibindaabin ka timid madaxda dawlada Federaalka ah ayaa gogoshii ku baaqatay.

Martiqaad wiifto ah ayaa Xafiiska Madaxweynaha laga soo saaray oo la leeyahay 19 ka April shir ha la
Isugu yimaado. Maanta la iskuma iman. Kulan rasmi ah oo uu Golahani yeesho waxaa ugu danbaysay June 2018. Su’aashu waxay tahay xagey iska qaban la’dahay?. Maamulka Farmaajo wuxuu jeclaan lahaa Madax Maamul Goboleed oo amarkiisa u hogaansan, fariintiisana u dhega nugul, halka Madaxda Goboladu ay aaminsan yihiin in taladuna wadaag tahay, xukunkana isla gudoon yahay.

Maadaama uu maamulka Farmaajo mudo labo sano bar ku dhowaad ah kali talin u socon waysan, sow ma haboona in uu garawshiyo la yimaadaan oo wadada Is-ogol iyo Isla-gudoon u soo laabtaan.