Home Warar C/raxmaan Faroole oo Digniin u Diray Jawaari Iyo Wasiir Xoosh

C/raxmaan Faroole oo Digniin u Diray Jawaari Iyo Wasiir Xoosh

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynihi hore  ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya,Cabdiraxmaan Sheekh Maxammed Maxamuud(Faroole) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Hoygiisa magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo kala duwan.

Farooole ayaa ugu horrayn baaq nabadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamay degaannada tuulooyinka ah ee u dhexeeya gobollada Sool iyo Nugaal,wuxuuna codsaday in dhammaan la isu taago joojinta colaaddaas.

Faroole ayaa sidoo kale eedayn kulul u jeediyey guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu sheegay in ay faro-gelin xooggan ku hayaan Dowlad Goboleedyada dalka,islamarkaana ay burburinayaan Nidaamka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayuu isagana ku eedeeyay in uu Dastuurkii ku falaaday oo buug jeebkiisa ah qortay,waxaana Faroole sheegay in arrintaasi ay fududaysay UN-ka gaar ahaanna hay’adda UNDP.