Home Warar C/rashiid Janan iyo Taliye Buulle Aadan oo Maxkamadd La Horgeeyay

C/rashiid Janan iyo Taliye Buulle Aadan oo Maxkamadd La Horgeeyay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Eedeysane Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan) oo ahaa Wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howlgeli jiray Doolow iyo Balad-xaawo ee Gedo oo loo wada heysto taciyado ka dhacay Gobalkaasi ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

C/rashiid Janan  ayaa Mudooyinkii dambe lagu hayay xabsi ku yaala Magaaladda muqdisho,waxayna dowladdda Soomaaliya sheegtay in uu galay Dambiyo dhanka Biniaadanimadda.

Booliiska Soomaaliya ayaa 31-dii bishii Aguast ku xiray  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa waxa uu ka yimid magaalada, waxaana uu ku socday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo Muqdisho ka raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines.

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer ka hadlay xariga Wasiir Janan,waxayna sheegeen in ay talaabooyin qaadi doonaan.