Home Warar C/rashiid Janan oo Ka Hadlay Sida uu Kaga Baxsaday Xabsi Ku Yaala...

C/rashiid Janan oo Ka Hadlay Sida uu Kaga Baxsaday Xabsi Ku Yaala Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland C Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan),ayaa ka hadlay qaabkii uu kaga bxasaday xabsi ku yaala Magaaladda muqdisho oo Dowladda Soomaaliya ku haysay.

Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee Bbc-da ayuu sheegay in qaabka  isaga uu dagay ay u suuragalisay in uu ka baxsado xabsigii Dowladdda ku haysay.

“Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday,markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda,markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho,waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”, ayuu yiri C/rashiid Janan.

Dhanka kale wasiir Janan ayaa ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii uu ku xiray xabsiga ku yaala Magaaladda Muqdisho.

“Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan”.