Home Warar C/rashiid Janan:-“Kenya Waa Dal aan Saaxiibo Nahay,Cidna Iima Diidi Karto”,!

C/rashiid Janan:-“Kenya Waa Dal aan Saaxiibo Nahay,Cidna Iima Diidi Karto”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa ka hadlay dalab kaga yimid Siyaasiyiinta laga soo doorto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ee ku aadanaa in uu isaga baxo Magaaladda.

C/rashiid Janan oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee Voa-da ayaa sheegay inaanu joogin Degmada Mandhera, balse uu ku sugan yahay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

“Mandhera iyo Buulo Xaawo waa laba magaalo oo deris ah, haddii Buulo Xaawo uu dhib ka dhacana Mandhera wuu gaaraya. Mandhera waa deegaan iyo dal ay dad kale leeyihiin, laakiin aniga hadda Mandhera ma jooggo, aniga hadda meeshaan kaala hadlayo waa Buulo Xaawo,xilligan u baahdo Mandhera maahee Nairobi baan tagayaa iyo meeshii kaloo ka shisheesaba. Dalka Kenya waa dal aan saaxiibo nahay, derisna aan nahay.” Ayuu yiri Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.

Siyaasiyiinta Mandheera ayaa sheegay  in Wasiirka Amniga Jubbaland uu degan yahay hotel ku yaala Degmada Mandhera, iyagoona ku baaqay in kooxdiisa hubka laga dhigo, isagana uu isaga fogaado Mandhera.