Home Warar C/Kariim Guuleed ayaa shaaciyay in uu dib ugu soo noqday siyaasada

C/Kariim Guuleed ayaa shaaciyay in uu dib ugu soo noqday siyaasada

SHARE

Cabdi Kariim Guuleed ayaa maanta waxaa uu shaaca ka qaaday dib usoo laabashadiisa dhanka siyaasada Soomaalida waxaa uu horey isaga casilay xilka madaxweynaha Galmudug bilowgii 2017 arimo la xiriira caafimaadkiisa .

Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in ay meesha ka baxday aramihii kalifay in uu siyaasada ka baxo sidaas daraaadeena uu hada qorshaheeda wado aas aasida xisbi siyaasadeed iyo sida uu gacan kaga geysan lahaa  hormarinta iyo dib dhiska dalka .

War murtiyeed uu soo saaray Cabdi Kariim Guuleed ayaa muujinaya in uu ka gooni noqday isbahysigii madaxweyne Xasan Sh oo uu qeyb ka ahaa balse waxa uu sheegay in xisbiga uu dhisayo ay bahwadaag noqon doonaan xisibiyada iyo kooxaha siyaasadeed oo ay aragti wadaaga noqon karaan 

Waxa uu dowlada ugu baaqay in talada ay wadaag ka dhigto 

“Dhanka kale waxaan dowladda ugu baaqeyna inaysan talada dalka kaligeed isku gooni yeelin, gaar ahaa arimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, doorashooyinka iyo kheybsiga ljeyraadka dalka, dhawrtana dastuurka, shuruucda wadanka u taala iyo hay,adaha dastuuriga ah ee dalka ka jira.”