Home English News Somali News Buuhoodle Oo Looga Dhawaaqay Dowlad Gobolleed Cusub (Sawirro+Muuqaal)

Buuhoodle Oo Looga Dhawaaqay Dowlad Gobolleed Cusub (Sawirro+Muuqaal)

SHARE

Garowe (Gundhig) – Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay Maamul Gobolleed cusub.

Mas’uuliyiin ka hadlay magaalada Buuhoodle ayaa sheegay in Maamulka cusub loo bixiyey Maamul Gobolleedka Bariga Soomaaliya (Nothern State of Somalia).

Goobta looga dhawaaqayey Maamulka oo ay ka muuqdeen qeybaha kala duwan ee bulshada sida; odayaasha, siyaasiin, dhallinyaro,haweenka iyo bahda saxaafada ayaa xariga looga jaray xarunta Maamulka Cusub.

Lama oga go’aanka Maamulada Somaliland iyo Puntland oo iyagu siyaabo kala duwan u sheegta in magaaladu iyaga hoos timaado.

Waxaa xusid mudan in Somaliland dagaal lagu riiqmay ay la gashay dadka deegaanka sanadkii 2021, halkaas oo ay xasuuq ba’an ugu geysatay dadka deegaanka.

Gudaha magaalada waxaa ku yaal goob la saaray  TAANGI  kaas oo ay dadka maagalada ku xusuustaan gumaadkiiciidamada Somaliland.

DAAWO MUUQAALKA

Magaalada Buuhoodle Waxaa maanta Laga Dhawaaqay maamul Lagu magacaabo Midnimada Gobolada Woqoyi ee SomaliaBidhaan Media

Posted by Bidhaan Media on Wednesday, June 10, 2020