Home Warar Boqolaal maxaabiis ah oo laga sii daayay Xabsiyada Suudaan

Boqolaal maxaabiis ah oo laga sii daayay Xabsiyada Suudaan

SHARE

Telefishinka Alcarabiya ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in maanta la sii daayay boqolaal kamid ah Maxaabiistii u xerneed dowladda Suudaan.

Dadka la sii daayay ayaa ahaa kuwa u xeran Arimo siyaasadeed waxaana sii daayay Milateriga dalka Suudaan oo u muuqda kuwa la wareegay talada dalka.

Alcarabiya oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay ‘in dhammaan maxaabistii siyaasadda u xirneyd ee Suudaan lasii daayay.