Home Warar Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha+Dhageyso

Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha+Dhageyso

SHARE

Muqdisho(gundhig)-Wasiirka Maaaliyada Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay tirakoobka Hantida ummadda, Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada hadalka deyn cafinta iyo Muhiimada ay leedahay isku tashiga Umadda.

Wasiirka ayaa ugu horeyn ka hadlay warbixintii ugu dambeysay ee Hey’adda lacagta aduunka ka soo saartay Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee ka gudbida wajiga Sedexaad ee Barnaamijka,wuxuuna sheegay in barnaamijkaas meel fiican marayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday tirakoob ay Wasaaradda ku hayso hantida ummadda waxaana uu sheegay inuu gabagabo marayo.

Wuxuu sheegay Ganacsatada in loo baahan yahay dhagta inay u taagnaato oo hantidooda ay ilaashadaan, waxaana uu sheegay muwaadin kasta dalkiisa inuu muhiim u yahay.

“Ha is dhiganin, dhegtaada iyo Ishaada iney taagnaato ayaan kugula talinayaa, waxaan kugula talinayaa inaad amniga maalkaada ilaaliso, meesha ugu amaansan ee aad amaan ka heleyso waa dalkeena oo aan wada dhisano, soo noqo, dalkan ku soo noqo, amnigiisa aan wada dhisno, maalkaada keen oo maskaxdaada keen oo muruqaada keen” ayuu yiri Wasiir Ducaale Beyle.