Home Warar Barlamaanka oo Kulan Ka Yeeanaya Xisaab Xirka Misaaniyadda 2017-ka

Barlamaanka oo Kulan Ka Yeeanaya Xisaab Xirka Misaaniyadda 2017-ka

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanaddda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah xisaab xirka misaaniyadda dowladda 2017-ka.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa xalay loo diray fariimo loogu sheegayo in maanta uu jiro kulanka baarlamaanka, islamarkaana laga doonayo inay xarunta ku yimaadaan aqtiga lagu balamay.

Kulanka maanta waxaa shir gudoomin doona Gudoomiyaha Golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.