Home Warar Banaanbaxyo Loogu Soo Horjeedo Farmaajo oo Ka Socda Muqdisho+Sawirro

Banaanbaxyo Loogu Soo Horjeedo Farmaajo oo Ka Socda Muqdisho+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Waxaa saakay inta badan xiran wadooyinka Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Waddooyinka saaka la xiray ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama oo jid cadayaasha soo gala iyo isgoysyada Magaaladda Muqdisho.

Sababaha loo xirey wadooyinka Magaaladda muqdisho ayaa lagu sheegay banaanbaxyadda ka socda Magaaladda Magaaladda kasoo loogu soo Horjeedo Madaxweyne Farmaajo waqtigiisa uu dhamaaday.

Sidoo kale waxaa saacadihii la soo dhaafay jiray abaabul bannaan baxyo ah oo ay qaban qaabinayaan Midowga Musharaxiinta, kaasoo la sheegay inuu bilow u yahay bannaan baxyo maalmo socon doona oo ay ka dhigayaan Muqdisho.

Dhanka kale Ciidamo aad u badan oo isugu jira booliis ,Nabad sugid iyo milatari ayaa saakay aroor hore lagu soo daadiyay qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee kuyaala magaalada Muqdisho .