Home Warar Banaanbax Loogu Soo Horjeeday Maamulka G-Banaadir oo Muqdisho Ka Dhacay!

Banaanbax Loogu Soo Horjeeday Maamulka G-Banaadir oo Muqdisho Ka Dhacay!

SHARE

Muqdisho(gundhig)-Banaan-bax loogu soo Horjeeday Maamulka Gobolka banaadir ee Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Degmadda Kaxda ee Magaaladda Muqdisho.

Banaan-baxaan ayaa yimid kadib markii shalay gudaha Degmadaas lagu dilay Labo ruux, oo Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka banaadir ay sheegeen in ay ahaayeen kooxo jidgooyo dhigtay oo dadka dhibaato ku hayay.

Mid kamid ah dadkii banaanbaxa dhigayay,islamarkaana ragga la dilay adeer u ahaa ayaa sheegay in labadaasi nin ee la dilay mid kamid ah uu ahaa askarta degmada, halka midka kale uu ahaa qof Shacab ah,isla markaana aysan labadooda aheyn burcad.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa shalay sheegay in Ciidamada Ammaanka ay toogteen kooxo ay isbaaro u tiilay,islamarkaana Ciidamadda ay sii wadi doonaan.