Home Warar Banaanbax Ka Socda Magaalada Muqdisho, Rasaas La Maqlayo+Sawirro

Banaanbax Ka Socda Magaalada Muqdisho, Rasaas La Maqlayo+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Banaan-bax ay dhigayaan dhalinyaradda ka xeysa Mooto Bajaajka ayaa saakay ka socda Isgoyska Hawlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada oo inta badan xirtay isgoyska ayaa ka carooday askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda oo saakay dil u geystay labada ruux oo kala ahaa wade Bajaaj iyo wiil mootada saarnaa oo dhaawaca meesha looga qaaday, balse markii dambe ku dhintay Isbitaalka Jaamacadda Somaliya.

Banaanbaxayaasha ayaa gubaya taayaradda gaadiidka,waxaana sidoo kale la maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamadda booliska Dowladdda Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa ku sii fiday qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha oo dhalinyarada gudaha ay u galeen, waxaana jirta xaalad jahwareer ah.

Waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka isgoyska holwadaag ee Magaaladda muqdisho,waxaana halkaas lasoo dhoobay ciidamo badan oo boolis ah.

Dhanka kae askarigii dilka geystay ee Booliska ka tirsan ayaa goobta ka baxsaday,waxaana goobta wali yaala meydka Labadda ruux ee la dilay.