Home Warar Banaanbax Ka Dhan Wasiir C/laahi Goodax Barre oo Muqdisho Ka Socda

Banaanbax Ka Dhan Wasiir C/laahi Goodax Barre oo Muqdisho Ka Socda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Muqdisho waxaa saakay ka socda banaanbax ka dhan ah Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre iyo Wasaaradiisa.

Banaanbaxaan ayaa ka socda taaladda Daljirka Dahsoon ee Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir,waxaana halkaas isugu tagay ardey aad u fara badan.

Ardeyda ayaa ka careysan go’aankii xalay kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashadda ee ku aadanaa in la joojiyay imtixaankii shahaadiga Dugsiyadda Sare ee dalka kadib markii  ay ardeyda haleen Qish.

Ardaydaan ayaa ku dhawaaqaysa erayo ka dhan ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo ay sheegayaan inaysan dooneyn,waxayna baaq u direen Madaxweynaha iyo Raisulwasaaraha.

Wasiirka Waxbarashada Soomaalia Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xalay sheegay in uu fashilamay Imtixaankii ay Wasaaradu qaadeysay seddaxdii maalin ee lasoo dhaafay islamarkaana dib loogu noqonayo imtixaan kale 27ka Bishan.