Home Warar Bajaajle iyo Wiil La Socday oo Magaaladda Muqdisho Lagu Toogtay!

Bajaajle iyo Wiil La Socday oo Magaaladda Muqdisho Lagu Toogtay!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay Magaaladda Muqdisho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Toogashadaan ayaa ka dhacday Isgoyska Holwadaag ee Magaaladda Muqdisho, sidoo kale waxaa falka ku dhaawacmay  Wiil la socday Mootadda.

Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay in askariga iyo darawalka uu muran soo kala dhexgalay,islamarkaana taasi ay keentay in rasaas uu askariga furo.

Rasaasta uu askariga furay waxay wadnaha ka haleeshay darawalkii bajaajka waday oo dhalinyaro ahaa kaasi oo goobta ku geeriyooday,waxaa sidoo kale falka ku dhaawacmay wiil la socday Mootadda.

Dhaawaca wiilka la socday Mootadda ayaa la dhigay Isbitaalka Jaamacadda Soomaaliya uu markii dambe ku dhintay,waxaana meydka darawalka loo qaaday Xarunta C.I.D ee Magaaladda Muqdisho.

Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka ay u geystaan darawaladda Bajaajka Magaaladda muqdisho.