Home Warar Baarlamanka oo Ka Hadlaya Carona-virus, Xildhibaano Ka Digay Muddo Kororsi

Baarlamanka oo Ka Hadlaya Carona-virus, Xildhibaano Ka Digay Muddo Kororsi

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelayana Xaruntooda Magaaladda Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah ka hadalka cudurka Covid-19, oo saameyn xoogan leh dalka ,islamarkaana ay u dhibteen dad bulshadda muhiim ka ahaa.

Guddoonka ayaa ku wargaliyay Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay kulanka yimaadaan,islamarkana uu kulanka bilaaban doono sagaalka subaxnimo.

”Mudne Xil Beri oo Sabti ah oo ay Tar 27 March, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka. Agendaha 1. Caabuqa COVID19 Saacadu waa 09:00 subaxnimo” ayaa fariin ahaan loogu diray xildhibaanada golaha shacabka.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Feedraalka Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka ujeed kale laga leeyahay,islamarkaana qorshaha uusan aheyn ka hadalka Caabuqa COVID19.

Xildhibaano uu kamid ah yahay Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aamisan in guddoonka uu doonayo in muddo kordhin uu u sameeyo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday,balse taasi aysan dhici doonin maanta.

Sida la xasuusto Xukuumadii uu hogaaminayay raisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu riday qorshe kan lamid ah iyadoona xildhibaanadda lagu wargaliyay in kulanka loogu hadlaayo arrimaha kale,balse waxaa xilkii laga qaaday Xasan Cali kheyre.

Sidoo kale waxaa mudooyinkiii dambe jirey tuhun ku aadan in Villa Soomaaliya ay waddo qorshe ku aadan in muddo kordhin laba sano ah loo sameeyo Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),balse lama oga sida mucaaradka ay aqbali doonaan.