Home Warar Baarlamaanka Soomaaliya oo u Yeeray Wasiirka Amniga Gudaha Islow

Baarlamaanka Soomaaliya oo u Yeeray Wasiirka Amniga Gudaha Islow

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), iyo Hey’addaha hoos-taga.

Qoraal uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Buux ayaa laga dalbaday Wasiir Islow Ducaale in maalinta berri oo taariikhdu tahay 26 November inuu Baarlamaanka hor-yimaado si su’aalo loogu weydiiyo arrimaha amniga.