Home Warar Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan Ku Yeelanaya Muqdisho

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan Ku Yeelanaya Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay xafiiska warfaafinta Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay ajendaha kulanka.

“Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda Magaaaladda  Muqdisho,Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta koowaad ee wax ka badalka sharciga shaqaalaha rayidka iyo warbixinta Baarlamaanka Jaamacadda Carabta”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulamadda Xildhibaanadda ayaa baaqanayay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ku baaqay in xildhibaanada ay soo xaadiraan kulanka, islamarkaana Cidii maqnaata lala xisaabtami doono.