Home Warar Baarlamaanka Soomaaliya oo Ka Doodaya Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019

Baarlamaanka Soomaaliya oo Ka Doodaya Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanadda Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelanayaan magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah akhrinta 2aad ee ku noqoshada Miisaaniyadda 2019, oo qaybteedii hore ay toddobaadkii hore ka doodeen.

Fariimo xalay loo direy Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaliya ayaa lagu wargaliyay in kulanka maanta yimaadaan.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somaliya ayaa 31-kii bishii hore ee October ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2020, taasoo uu cadadkeedu gaarayo adduun lacageed oo dhan $469.5 milyan.