Home Warar Baarlamaanka oo Maanta La Horgeynayo Heshiisyadii Doorashada

Baarlamaanka oo Maanta La Horgeynayo Heshiisyadii Doorashada

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya Kulan wadajir ah oo ka dhacaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Agendaha

U Codeynta Heshiiska Siyaasadeed ee Jihaynta Doorashada Xildhibaanada BFS ee 2020/21

Mudanayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay maanta kasoo wada qayb galaan fadhi wada-jir ah oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan siyaadsadeed, ka dibna ay cod ugu qaadaan.

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayey in la hor geeyo Baarlamaanka.