Home Warar Baarlamaanka oo Ansixiyay Xeerka Metelaada Gobolka Banaadir

Baarlamaanka oo Ansixiyay Xeerka Metelaada Gobolka Banaadir

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Xildhibaanadda Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd ansixyay in Gobolka Banaadir Matalaad ku yeesho Golaha aqalka sare ee dalka.

142 Xildhibaan ayaa ansixisay Xeerka Metelaada Gobolka Banaadir, waxaa diiday Afar Xildhibaan, waxaana sidaasi ansax ku noqday Xeerkaan.

Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ayaa wuxuu dhigayaa 13 Xubnood in la siiyo Gobolka Banaadir, maadaama Xildhibaano gaaraya 140 soo jeedintaas ay horgeeyeen Golaha.

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Somaliya qaarkood ayaa soo dhaweeyay tallaabada maanta Golaha ku ansixiyeen Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir.