Home Warar Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Go’aano Xasaasi ah Soo Saaraya

Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Go’aano Xasaasi ah Soo Saaraya

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta kulan xasaasi ah ku Yeelanaya Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah go’aan kasoo saarista Mataaladda Gobolka Banaadir laga siiyay Golaha aqalka Sare, oo Baarlamaanka Federaalka Somaaliya uu todobaadkaan meel meriyay.

Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Baarlamaanka Puntland uu soo saari doono go’aan xiriirka loogu jarayo dowladda Federaalka, laguna qaadacayo ka qeyb galka hannaanka doorashada Federaalka, oo ay horay Puntland sheegtay inay ka soo horjeedo dhammaan xeerarka doorasho dalka.

Inta badan mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa shalay ku dooday in Hannaan qaldan  loo maray Ansixinta Xeerka Mataalaadda Gobolka Banaadir oo 13 Senetor Aqalka sare ka siinaya gobolkaas.