Home Warar Axmed Madoobe oo Shuruudo ku Xiray Heshiis uu La Galo Madaxda Dowladda!

Axmed Madoobe oo Shuruudo ku Xiray Heshiis uu La Galo Madaxda Dowladda!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Kismaayo waxaa ka socda Kulamo Xasaasi ah oo u dhaxeeya madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), iyo wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Kulamadda oo waqti badan qaatay ayaa loogu hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhaxaloosan Jubbaland iyo Dowlada Dhexe iyo sidii labada dhinac heshiis u wada gaari lahaayeen.

Mas’uul ka Tirsan Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in Hogaamiyaha jubba-land Axmed Madoobe uu aqbalay dadaalada uu wado Gudoomiyaha Aqalka Sare, balse sharuud ku xiray.

AxmedMadoobe ayaa Gudoomiyaha Aqalka sare hor dhigay tabashooyin badan ay ka qabaan Madaxda dowlada Federaalka iyo hab dhaqankooda

1-waxa uu cadeeyay in kalsooni badan uusan ku qabin in la fulinayo Heshiis uu la galoMadaxda sare ee dowlada.

2-in heshiis la gaaro ay ka horeyso in dowlada federaalka kasoo baxdo heshiisyo horey u gaareen iyo in dowlada fara galinta ka dhaafto maamul goboleedyada ay kamid tahay Jubbaland.

3-waxa uu sidoo kale shuruud uga dhigay in heshiiska uu qaadanayo hadii uu helayo damaanad qaad ku aadan in dowlada federaalka ay fara galinta ka dhaafeyso maamulkiida xiliga doorashada Jubbaland.

Dhanka kale Gudoomiyaha aqalka Sare ayaa sheegay in sida ugu wanaagsan marka hore loo turxaan bixinayo heshiiska, kadibna la guda galayo amba qadka heshiiska.