Home Warar Axmed Madoobe iyo Deni oo Shuruud ku Xiray Shirka Dhuusa-mareeb

Axmed Madoobe iyo Deni oo Shuruud ku Xiray Shirka Dhuusa-mareeb

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa maalinta Bari ah ka furmaya Shir u dhaxeeya maamulada Galmudug, Puntland, Hir-shabeelle, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Jubbaland.

Madaxweynayaasha Dowladd Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa dalbaday in Magaaladda Dhuusamareeb laga qaado Ciidamada Booliiska gaarka u tababaran oo Dowladda kol hore geysay Magaaladaas.

Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ka dalbaday in Dhuusamareeb uu ku qaado Ciidamadaas, kahor inta aysan u tagin ka qaybgalka shirka madaxda Dowlad Goboleedyada.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa wada dadaalo ku aaadan sidii loo fulin lahaa amarka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland eek u aadan In Ciidamadda Haramcad laga saaro magaaladda Dhuusa-mareeb.

Waxaa la isla gartay todobaadkaan in shir degdeg ah la isugu yimaado 9 bisha July ee ku beegan khamiista, kaasoo looga tashanayo arrimaha masiiriga ee dhanka siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirkan looga tashanayaan sidii ay shir degdeg ah isugu imaan lahaayeen Maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka, kaddib markii uu fashilmay shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.