Home Warar Axmed Madoobe Iyo Deni oo Laba Qodob Kaga Guuleystay Farmaajo

Axmed Madoobe Iyo Deni oo Laba Qodob Kaga Guuleystay Farmaajo

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Hogaamiyayaasha Maamuladda Puntland iyo Jubbaland ayaa xalay kulan ku yeeshay magaaladda muqdisho.

Labadda madaxweyne ayaa dhawaan sharuudo ku xirey la kulanka madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka Akhriso Sharuudaha Jubbaland iyo Puntland.

1-Waxa ay diideen inuu furmo kulankii ay rabtay Madaxtooyada, waxayna la yimaadeen shuruudo ay ka mid yihiin: arrinta Gobolka Gedo iyo in shirka ay ku soo biiraan madaxda maamul Goboleedyada kale.

2-Qodobka labaad ayaa ka dhigan Shirkii Dhuusamareeb 3 oo dib loo qabanayo iyo in Madaxweyne Farmaajo uu fara-marnaan ka joogo wixii uu ka soo ansixiyey madaxda ka qeyb gashay shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxweyne Farmaajo oo waqti ku socdo, lagana sugayo inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare wuxuu aqbalay inuu wada-xaajood ka galo arrinta Gobolka Gedo iyo inuu casuumo madaxda Maamul Goboleedyada kale