Home Warar Axmed Madoobe :-“Arinta Gedo ayadoo la Xalinin Doorasho Ma Dhaceyso”!

Axmed Madoobe :-“Arinta Gedo ayadoo la Xalinin Doorasho Ma Dhaceyso”!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland isagoo khudbadiisa furitaanka kaga hadlay dhinacyo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in mudo hal sano ah ay kasoo wareegtay Markii dib loo doortay sababta uu ilaa hada Xukuumada usoo dhisi la’yahayna ay tahay in uu raadinayo Midnimo iyo wadajir Jubaland oo dhan ah taas oo ilaa hada guulo la taaban karo laga gaaray.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in kahor Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah xal laga gaaro Arimaha u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arinta Gedo

wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in iyadoo ayna Gobolka tagin Maamulka Gobolka Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland Dowlada Federaalka ahna aanay Ciidamadeeda kala bixin Gobolka ayna dhici karin Doorashada Xildhibaanada qaybta loo asteeyay Magaalada Garbogaareey.